2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2025
Dagaal xoogan oo lagu soo qabtay Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
 

Jimco, February 7, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo Kooxda Al shabaab.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka oo uu kula hadlay furimaha dagaalka ee Aaga Jiciboow in Kooxda Al shabaab laga saaray deegaanno badan, waxaana uu cadeeyay in lagu dilay in kabadan 30 Horjooge iyo maleeshiyaad kale, waxaana uu shaaca ka qaaday inay nolosha kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya.

Gudoomiye Muuse Salaad ayaa xusay in la soo afjaray Alshabaab ayadoo dhamaan deeganadii saaka laga saaray ay si buuxdo gacanta ugu hayaan Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada deegaanka ee macawiisleeyda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Macalim ayaa sheegay in Dagaalamayaal badan ay dagaalka ku dileen sidoo kalana kuwa nolosha lagu soo qabtay dhul weynna looga saaray.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Cabdullaahi Cumar Maxamed oo kamid ah saraakiisha howlgalkaan wax ka hogaaminaysa ayaa sheegay in degaano badan oo dhinaca Jiinka Wabiga ay kaga dhuumaalaynayeen laga saaray halkaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba lagu gaarsiiyay Kooxdii Al shabaab.

Dagaalka oo ay saakay qaadeen ciidamada isbahaysanaya ayaa xooggiisu waxa uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya Beera Yabaal iyo Jicibow oo ku yaala jiinka webiga Shabeelle, halkaas oo muddaba ay dhufeysyo uga qodnaayeen kooxda Al-Shabaab.