Jimco, February 7, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ka codsatay in taageerada uu hore ugu soo marin jiray hay’adda USAID hadda kadib si toos ah loogu wareejiyo dowladda federaalka, oo aan gacan saddexaad loo soo marin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Xasan Carab, oo waraysi siiyay VOA Somali, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso in wax-ka-beddel lagu sameeyo habkii ay u shaqayn jirtay hay’adda USAID, taas oo hore gacan uga geysan jirtay horumarinta Soomaaliya, balse maamulka Trump uu albaabada u laabay.
“Gargaarka dowladda Soomaaliya toos looma siin jirin waagii hore, markaa waxaan dalbanaynaa in haddii dowladda Maraykanku go’aansato inay gargaarka sii waddo, si toos ah loogu wareejiyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya u diyaarsan tahay inay la wareegto mushaharsiiinta iyo taageeridda ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo hore Maraykanku u taageeri jiray. “Dowladda Soomaaliya waxay u diyaarsan tahay inay la wareegto baahiyaha ciidamada,” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.
Sida uu danjiruhu sheegay, hay’adda USAID oo mustaqbalkeedu hadda mugdi ku jiro, waxay Soomaaliya ka caawin jirtay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha, iyo sidoo kale horumarinta beeralayda iyo wax-soo-saarka.
Maamulka cusub ee Donald Trump ayaa hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’ado wax ka tari jiray kaalmada iyo horumarka waddamada soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika. Hay’adaha kale ee kaalmada laga jaray waxaa kamid ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).