Hiiraan Online
2/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2025
Wasaaradda amniga Soomaaliya oo amaantay guulihii ay Ciidamada Puntland ka gaareen Dagaalka Kooxda Daacish
Jimco, February 7, 2025 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadin loogu jeediyay howlgalka ay wadaan Ciidamada Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish gaar ahaan guulihii ugu dambeeyay ay dagaaladaasi ka gaareen.
Wasaaradda waxa ay ku tilmaamtay Tallaabadani mid muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan inay iska difaacaan kooxaha argagixisada ah ee duullaanka ku ah dalka, islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna.
War saxaafadeedka waxaa intaasi la raaciyay in Ficillada kooxaha argagixisada ah ay yihiin kuwo si cad uga soo horjeeda shareecada Islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida dalka iyo guud ahaan ammaanka gobolka.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay si gaar ah uga tacsiyeynaysaa geesiyaasha ku shahiiday howlgallada ciidan ee ka socda buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ku boorrisay Dowlad Goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka in si dhab ah loo garab istaago ciidamada si ay u sii xoojiyaan dadaallada ka dhanka ah argagixisada.