2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2025
Dagaalo Qaraar oo ay ku dhinteen Saraakiil Puntland iyo Dagaalyahano Cadaan ah oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad
 

Khamiis, February 6, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya furimaha dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa sheegaya in Dagaal culus uu 24kii saac ee lasoo dhaafay uu labada dhinac dhexmaray ayna ka dhasheen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray.

Dagaalkaan oo ahaa mid ka fool ka fool ah oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada Kooxda Daacish ayaa faah faahinada la helaayo waxa ay sheegayaan in ay ku dhinteen qaar ka mid ah saraakiisha Puntland ee ciidanka hoggaaminayey, qaarna ay ku dhaawacmeen, dagaalkaan ayaa soo gaaray ilaa xalay waxaana xoogiisa uu ka dhacay Togga Jeceel oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari, sida ay illo xog-ogaal ah oo magacyadooda sababo amni u qariyay ay xaqiijiyeen.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Puntland, General Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa VOA u sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaal fool-ka-fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish, isla markaasna ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen.

Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaaray dagaalkan oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkastoo uusan tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin.

Dagaalka Puntland iyo Daacish ayaa ka socda bilooyinkii u dambeeyey buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ka tirsan silsiladda Buuraha Golis, waxaana dadka deegaankaas yaqaanna ay sheegeen in dhulkaas uu yahay dhul qar, buur iyo dhagax ah oo aysan gaadiidka tiknikada ah gali karin.