Hiiraan Online
2/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Baardheere
Arbaco, February 5, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay dagaal khasaare kala duwan geystay oo maanta ku dhexmaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaalka maanta ka dhacay Baardheere ayaa ahaa mid la xariira loolan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland ugu jiraan gacan ku heynta degmadaas, waxaana dagaalka maanta ku dhintay dad uu ka mid yahay guddoomiyahii arrimaha bulshada degmadaas Maxamed Ilyaas Caagane.
"Saakay waabarigi hore ciidamada amaanku waxay ku guuleysteen ka hortagga koox qas wadayaal ah oo uj soo abaabulay eedeysane Axmed Madoobe oo qorshaynayey inay falal amni darro ah ka fuliyaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Wasaaradda amniga Soomaaliya.
Warsaxafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu ku mashquulsan yahay abaabulka falal sharci daro ah, islamarkaana lagu dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu damebyntii Wasaarada amniga ayaa warsaxafadeedkeeda ku sheegtay iney ka go'an tahay kooxo ay ugu yeertay qaswadayaal carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.