Arbaco, February 5, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ilaalada laga qaaday madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, xisbiga Kulmiye ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ilaalada laga qaaday guriga Biixi.
Wasiirka Amniga, Cabdalle Maxamed Carab ‘Sandheere’, ayaa beeniyay jiritaanka warkan, oo uu xisbiga Kulmiye sheegay in uu jiro, isla markaana ay warbaahintu shalay si xoog leh u baahisay in xukuumaddu ay askartii ilaalada u ahayd guriga madaxweynaha hore ka qaaday.
"Waxaan idiin sheegayaa in aanu jirin warkaasi, sal iyo raad toona ma leh. Madaxweynihii hore ee qaranku xushmad weyn ayuu qaranka ku leeyahay, wuu usoo halgamay, haddana madaxweyne ayuu u noqday. Ilaaladiisuna waxay weli ku sugan yihiin gurigiisa," ayuu yidhi Sandheere.
Wasiirku wuxuu sheegay in wararkan ay faafiyeen dad caan ah oo uu ku tilmaamay "qaran-dumis," kuwaas oo caadaystay faafinta warar sharaf-dhac ku ah Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in marar badan looga digay fidinta wararka caynkaas oo kale ah.
"Madaxweynihii hore ayay meel kaga dhacayaan, xukuumaddana meel ayay kaga dhacayaan markay fidinayaan war aan sal iyo raad toona lahayn," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xisbiga Kulmiye ayaa ka cadhooday in ilaalada laga qaado Biixi, iyada oo saraakiisha ugu sarreysa xisbigu ay shir ka yeesheen arrintan. Intii shirku socday, Wasiir Sandheere ayaa la sheegay in uu lasoo hadlay Guddoomiyaha xisbiga, Maxamed Kaahin, iyaga oo iska afgartay xalinta arrintan.
"Waala soo celiyay, si milgo leh ayaanu ula wareegnay ciidanka. Waxaanu rabnay in arrintani ay halkaas ku dhammaato, balse waxa naga yaabiyay hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo beeniyay jiritaanka arrintan, iyadoo aanu xaqiijinay in ay dhacday," ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Cabdinasiir Muxumed Xasan Buuni, oo la hadlay warbaahinta.
Guud ahaan, warbaahinta Somaliland ayaa shalay ku warrantay in ciidamada laga qaaday guriga Biixi. Sidoo kale, xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in ciidamada la qaaday. Hase yeeshee, maanta ayaa mar kale warbaahintu tabisay ciidamada oo kusoo noqonaya guriga madaxweynaha hore.