Hiiraan Online
2/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2025
In ka badan 5 askari oo Puntland looga dilay qaraxyo ay Daacish kula eegtay buuraha Calmiskaad
Talaado, February 4, 2025 (HOL) - In ka badan 5 askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii maanta qaraxyo lala eegtay labo gaari oo nuuca dagaalka ah.
Qaraxyadan ayaa dhacay xilli ciidamada Puntland ay howlgallo ka sameynayaan deegaano katirsan buuraha Calmiskaad oo ay Daacish ku sugan yihiin.
Dhinaca ale, ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dharin oo dhaca Togjaceel, halkaas oo ay gacanta ku hayeen kooxda Daacish.
War kooban oo kasoo baxay howlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dagaalamaayaasha Daacish la dilay, halka qaar kalena ay baxsadeen.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmay, maalin kaddib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sarkaa katirsanaa Daacish oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Loohaar, oo horey dil loogu xukumay.