2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2025
Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo Banaanbax Rabshado Wata Sameeyay Kadib Warar Sheegaya in Lacagta La Kordhiyay
 

Talaado, February 4, 2025 (HOL) - Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa galabnimadii Isniintii dhigay bannaanbax rabshado watay, kaddib markii ay maqleen warar sheegaya in la kordhiyay lacagta simistarka iyo in adeegyo ay horay si bilaash ah u heli jireen lagu soo rogay lacago cusub.

Mudaharaadkan, oo saacado socday, ayaa sababay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska iyo ardayda cadhaysan. Haddaba, maamulka jaamacadda ayaa xilli dambe oo habeenimadii Isniinta ah beeniyay wararka ay ardaydu ka cadhoodeen.

"Ardayda maanta mudaharaaday, waalidiinta iyo shacabka Somaliland waxaan u caddeynaynaa in war qaldan la idiin soo gaadhsiiyay. Lacag kordhin ma jirto. Cidda fawdada wada ee jaamacadda rabshadaha ka hurinaysa waa cadawga mustaqbalkeena," ayuu yidhi sarkaal ka tirsan maamulka jaamacadda.

Maamulka jaamacaddu wuxuu xusay in Jaamacadda Hargeysa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu qiimaha jaban, isla markaana tan iyo aasaaskeedii mar kaliya ay isku dayeen in ay kordhiyaan lacagta simistarka, balse ardaydu ay mudaharaad sameeyeen, taasina ay keentay in maamulka uu go’aanka dib uga noqdo.

Ardayda mudaharaaday ayaa rabshado ka bilaabay gudaha jaamacadda, iyagoo waxyeello gaadhsiiyay qaybo ka mid ah agabka waxbarashada, kaddib markii ay arkeen waraaq ay ku taallo shaambada jaamacadda oo sheegaysa in lacagta simistarka la kordhiyay.

Sidoo kale, ardaydu waxay ka cabanayaan adeegyo ay horay si bilaash ah u heli jireen oo hadda lacag laga dhigay, sida beddelka kulliyadaha, oo ay sheegeen in qofka doonaya in uu kulliyad kale u wareego laga qaadayo lacag.

Jaamacadda Hargeysa, oo ay maamusho xukuumadda Somaliland, waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee Somaliland, iyada oo kumannaan arday ay wax ka bartaan. Culaysyada dhaqaale ee jira awgood, ardaydu waxay ka cadhoodeen lacagaha dheeraadka ah ee ay maqleen in lagu soo rogay.