2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay in doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku ay ku dhacayaan wakhtigooda
 

Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ku wargeliyay in doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ku qabsoomi doonaan waqtigoodii oo ah 31-kii May 2026.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Koomiishanka Doorashooyinka, ayaa ka dhagaystay xog-waran ay ka siiyeen diyaargarowga ay ugu jiraan qabashada doorashooyinka, iyo sidoo kale daraasad la xidhiidha waxyaabihii laga bartay doorashooyinkii hore.

"Madaxweynaha J. Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulinayo ballanqaadkii uu la galay ummadda JSL, kaas oo ahaa in aanay jiri doonin dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka. Sidaas darteed, doorashooyinka isku sidkan ee inagu soo fool leh, Idanka Alle, waxay ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taas oo ah 31/05/2026," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu KDQ u ballan qaaday in Xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in ay bixiso dhammaan kharashaadka ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka. Sidoo kale, waxa uu ku amaanay Koomiishanka Doorashooyinka qabsoomidda doorashadii hore iyo dedaalkooda joogtada ah.

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray in xukuumaddiisu ay qayb libaax ka qaadan doonto dib-u-habaynta lagu samaynayo hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista habka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si loogu diyaargaroobo doorashooyinka soo socda.