2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2025
Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay Cabashada Ganacsatada Muqdisho ee ku aadan Canshuuraha
 

Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay cabashada Ganacsatada magaalada Muqdisho ee ku aadan Canshuuraha.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney wax ka qabtaan culeysyada iyo cabashada ganacsatadu ka muujiyaan Canshuurta.

"Madaxda dowladda waxaan ugu baaqaynaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale Warsaxafadeedka ku sheegay in Canshuuraha lagu soo rogay ganacsatada ay yihiin qaarkood kuwa  baxsan xeerarka maaliyadeed.

"Dowladda Federaalka waxaa looga baahan yahay iney la imaato hanaan canshuur qaadis oo ka hufan musuqmaasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii sadaxaad uu u xiran yahay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha cabasho ganacsatadu ka qabaan Canshuuraha.