2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2025
Guddoomiye Aadan Madoobe "Baarlamaanka waa inuu ku dhiiradaa in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod"
 

Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu ka shaqeynayo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in la joogo waqtigii dalka ay ka qabsoomi laheyd doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay soo dooran lahaayeen masuuliyiintii u adeegi laheyd.

"Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu ku dhiiradaa in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, waa inaa taas ka shaqeyneynaa, si shacabka u soo doortaan cidii hogaamin laheyd" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe in dalalkii la burburay Soomaaliya muddo saddex jeer iyo ka badan ay marayaan iney qabsadaan doorashooyin qof iyo cod ah oo uu sheegay iney ku gaareen isku duubnida madaxda iyo Shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in laga tusaale qaato.

“Baarlamaanka 11-aad dalka isbaddel badan ayuu keenay oo ummadda Soomaaliyeed u baahnayd, Shuruucdii caqabadaha ku ahaa ee caalamka nala tacaamulayay markasta na weydiisan jiray waan ka guuleysanay sidii aan uga gudbi lahayd alle mahadi, hadana waa inaan u istaaga inaan doorasho dalka gaarsiino oo aanan meesheen sii taaganaan” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe,

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad loo qabtay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.