2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2025
Culumaa'uddiinka Puntland oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish
 

Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanada Puntland ayaa sheegaya in Culumaa'uddiinka Puntland ay ka bilaabeen masaajida inay ku booriyaan shacabka in si wadajir ah loogu midoobo dagaalka ka dhanka Kooxda Daacish ee ka socda Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yusuf oo kamid ah Culumaa'uddiinka Puntland ayaa sheegay in marka ay timaado dagaalka Kooxda Daacish lagula jiro inay tahay in loo midoobo nooc waliba oo taageere ah lala garab istaago Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu shaaca ka qaaday in Kooxdaasi aysan ahayn waxa ay wadaan mid Diinta sal ku leh.

"Marka lala dagaalamayo nimaankani waa in loo midoobaa, waana laga guuleysan doonaa insha allaah, gaar ahaan qabaailku waa inay dhaqaale la garab istaagan Xukuumadda Puntland, waxa kasta oo la qaban karo waa in la sameeyo, dadkaasi waxa ay mudan yihiin in la iska qabto waayo ummadda way dhibeen" ayuu yiri Sheekh Maxamuud Xaaji Yusuf oo ka hadlaayay mid kamid ah masaajida ku taalada degaanada Puntland.

Dhinaca kale Sheekh Cali Maax oo kamid ah culumaa'uddiinka magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay hubiso ajaaniibta imaanaysa deegaanada Maamulkaasi maadama Kooxda Daacish inta ugu badan dadka u dagaalamaya ay yihiin ajaaniib.

Sheekh Cali ayaa shaaca ka qaaday inay raga ajaaniibta ah kusoo duuleen Soomaaliya ayna aad iyo aad u fara badan yihiin, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay is garab istaagaan ciidamada Puntland.