Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Dowladaha Adduunka oo ka qabsoomaya magaalada Dubai 11–13 bishan.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, shirkan waxaa ka soo qaybgalaya madax ka socota in ka badan 30 dowladood, waxaana diiradda lagu saari doonaa horumarka dhaqaalaha adduunka, dowlad-wanaagga, iyo tiknoolajiyada casriga ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa shirkaasi ka jeedin doona khudbad ka hadlaysa horumarka ay Somaliland gaadhay, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, iyo dimuqraadiyadda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Dayr).
"Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, wuxuu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadlayo geeddi-socodka dowladnimada Somaliland iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku tallaabsatay," ayuu yidhi Xuseen Dayr.
Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee uu madaxweynuhu ku tago Imaaraatka Carabta muddo bil iyo badhkeed ah. Safarkiisii hore waxa uu kulamo la yeeshay madaxda Imaaraatka iyo shirkado maal-qabeen ah, kuwaas oo ballanqaaday inay Somaliland ka samayn doonaan maalgashi.
Golaha Dowladaha Adduunka, oo la aasaasay sannadkii 2013, ayaa sannad kasta shir ku yeesha magaalada Dubai, waxaana hoggaamiya Dowladda Imaaraatka Carabta.