Hiiraan Online
2/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2025
Al shabaabkii kasoo firxaday Dagaaladii ka dhacayay Gobolka Hiiraan oo gaaray Degmada Mahadaay
Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ee kasoo firxaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Hiiraan ay gaareen degaano hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa kusoo waramaya in saacadihii lasoo dhaafay agagaarka Jiinka Webiga Shabeelle ee Mahaaday lagu arkay dagaalamayaal badan oo kuwa Al shabaab ah oo soo buuxiyay halkaasi kuwaasi oo u muuqday kuwa kasoo baxsaday dagaaladii ugu cuslahaa ee dhowaanahaan ka dhacayay gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhankoodi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay uga hortagaan is uruursiga ay Al shabaab ka bilaabeen degaanada Hoostaga Degmada Mahaaday.
Jimcihii lasoo dhaafay dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay in kabadan 30 dagaalame oo ka tirsan Al shabab iyadoona gacanta lagu soo dhigay ilaa 3 dagaalame oo kooxda ka tirsan.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee Macawiisleeyda ayaa la wareegay dhul balaaraan oo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalamayaasha Al shabaab, sida ay cadeeyeena saraakiisha dagaalka wax ka hogaaminaysa waxaa dagaaladaasi lagu dilay rag cadaan ah oo ka barbar dagaalamayay Al shabaab.