10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2024
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025
 

Talaado, October, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ahaa oo ay Xalay yeesheen cod aqlabiyad leh ku meel mariyay miisaaniyada dowladda ee sanadka soo socda 2025, taasoo gaareysa $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulanka golaha kusoo bandhigtay isbaddelka dhinaca kororka ah ee ku yimid miisaaniyadda sanadkaan 2024.

"Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%, Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka

Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiirrada  lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka ciidanka Booliiska Soomaaliya, kaasoo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa  sanadkii lasoo dhaafay ku guuleysatay in laga cafiyo deyntii waqti dheer lagu lahaa, taasoo keentay in Xukuumadda Federaalka ay xoogga saarto sare u qaadista dakhliga gudaha si uu u kordho kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.