10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2024
Uganda oo su’aal galisay sababta ay Masar u doonayso inay ugu biirto howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya
 

Isniin, October, 7, 2024 (HOL) - Deeq bixiyayaasha iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay ku lug lahaanshaha Masar ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda iyo culeyska dhaqaale ee taagan.

Hawlgalka, oo beddeli doona Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2025, ayaa wajahaya hubanti la'aan iyadoo Masar ay raadineyso door weyn.

Dalka Uganda, oo gacan ka geysta dadaallada nabad ilaalinta Soomaaliya, ayaa su'aal galisay ku lug lahaanshaha lama filaanka ah ee Masar.

"Waddamada ciidamada ku deeqay waxay weydiinayaan, maxay Masar u rabtaa inay hadda ugu biirto howlgalka? Halkee bay waayadan oo dhan joogeen? Maxay mar hore u imaan waayeen,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Arrimaha Caalamiga ee Uganda, Henry Okello Oryem.

Masar ayaa soo jeedisay in ay ku biiriso howlgalka 5,000 oo askari, oo ah ku dhawaad kala bar tirada guud ee ciidamada AUSSOM. Waxaana arrintan walaac ka muujiyay waddamada sida Ethiopia.

Itoobiya, oo ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya tan iyo 2014, ayaa u aragta saamaynta Masar tallaabo khalkhal gelin karta dhaqdhaqaaqyada amniga gobolka, gaar ahaan iyada oo ay jiraan xiisadda labada waddan.

Midowga Yurub oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yiri “EU ma jirto wax door ah oo ku saabsan in waddan uu ka mid noqdo howlgalka cusub, annaguna ma nihin kuwa go'aan ka gaarista.