12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2024
Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Sheegay in Itoobiya ay rabto in ay si Nabad ah ku Gaadho Badda Cas
 

Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa sheegay in Itoobiya ay baahi wayn u qabto in ay marin biyood ka hesho Badda Cas.

Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya uu mawqifkeedu yahay in ay si nabad ah ku gaadho badda, isaga oo sheegay in ay u baahanyihiin in ay u maraan jid cadaalad ah.

“Itoobiya waxay rabtaa inay si nabdoon marin uga hesho Badda Cas, mowqifkeedu wuu cadyahay. Uma baahnin dagaal ama xoog si aan u gaadhno himiladayada; waxaanu doorbidaynaa in aanu ku gaadhno hab macquul ah oo cadaalad ah. Haddii aanu ku guuldaraysanona caruurtayada ayaa ku guulaysan doona” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in Itoobiya anay kaligeed wax doonayn, lakiin ay wax isdhaafsi la samaynayso waddamada jaarka, isaga oo sheegay in Itoobiya ay ka shaqaynayso horumarka qaarada, oo ay ka horaysiinayso danteeda gaar ka ah, isla markaana ay sii wadi doonaan ka shaqaynta danaha Itoobiya.

Itoobiya ayaa horaantii sannadkan Somaliland la gashay isfahan dhigaya in muddo 50 sanno ah  Addis Ababa laga kireeyo 20 KM oo biyaha Somaliland ah, isla markaana ay Hargaysa aqoonsi buuxa ka hesho taa badalkeeda.

Isfahankan oo ay diiday dowlada Soomaaliya, ayaan ilaa hada loo badalin heshiis rasmi ah, Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in la fulin doono heshiiska, inkasta oo uu wajahayo cadaadisyo.