12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay isbeddel cusub oo lagu sameeyay howlgalka UNSOM
 

Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ogolaanaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loo wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay (UNCT) muddo labo sano ah kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan oo ay Golaha Ammaanka horgaysay UK, waxa uu u codeeyay  dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Waxaa lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Qaraarka ayaa lagu xusay in xil wareejinta xafiiska UNSOM ay bilaaban doonto 1-da Nov.

Ergeyga UK u qaabilsan Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa ku tilmaamtay codeynta qaraarka inuu yahay bilawga xilliga muhiimka ah ee Soomaaliya.

“UNSOM waxa ay ciyaartay door muhiim ah tan iyo markii la aasaasay 2013-kii, iyada oo taageerta nabad-dhisidda iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya iyada oo fulinaysa hagidda siyaasadda, isku-dubbaridka, kaalmaynta farsamada iyo hawlaha dhisidda awoodda,” ayay tidhi.

Dowladda Soomaaliya ayaa 9-kii bishan ku dhawaaqday go'aanka ay ku joojisay howlihii UNSOM.

Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu codsaday in howlaha UNSOM la soo afjaro, isla markaana aan la cusboonaysiin waqtiga howlgalka oo ku eg bisha Oktoobar.