12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Cid baa qaadacday oo isbaaro u dhigatay uma joogsanayo Shirwaynaha Wadahadallada Itoobiya"
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka waramay arrimo ku saabsan Shirwaynaha muranka dhaliyay ee Wadahadallada Itoobiya iyo dadka qaadacay shirwaynahaas waxa laga yeelayo.

Ugu horreyn Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in Shirwaynahan Wadahadalada Itoobiya uu yahay mid u furan guud ahaan dadka ku dhaqan dalka Itoobiya, shacabkuna kusoo gudbinayaan cabashooyinka ay qabaan, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid ka madax banaan Dowladda oo ay maamulaan guddiyo laga soo kala xulay dhammaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, dhinaca Soomaalida waxa uu Madaxweynuhu sheegay inuu guddidaas u matalo Maxamuud Dirir.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in degaanka Soomaalida laga soo xuley dad gaadhaya 70 xubnood kuwaas oo isugu jira Siyaasiyiin hore, Culimaa'udiin, Madax dhaqameedyo iyo xubno ka socda Jaamacadaha degaanka Soomaalida ku yaalla, dhammaan xubnahaasi waxay noqonayaan kuwa shirwaynahaas ku matala Dowlad Degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.

Dhinaca dadka ka soo horjeestay qaabka loo wado Shirwaynahan Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwa uusan u joogsanayn Shirwaynahani, isagoo sheegay in guddida howshan wada ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay cid walba oo wax tabanaysa ay uga soo qaybgali lahayd Shirwaynahan wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu sidoo kale sheegay in ONLF garab kamid ah aysan ma talin Shacabka Degaanka Soomaalida, " 30 sano ayay lahaayeen ONLF anagaa matalna Shacabka, ma matalaan Qabiilna kuma matalaan Ururna kuma matalaaan, Urur urur bay ka yihiin Qabiilna meelaha ay sheeganayaan meelo kamid ah oon ahayn ayaa jirta" ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Ugu dambayn Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid shacabku uu si xor ah fikirkiisa ugu soo gudbinayo lagagana doodayo xaaladaha kala duwan ee dalku ku sugan yahay, isagoo xusay in Shirwaynahan Wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya uusan horey uga dhicin dalka Itoobiya.

Waraysigan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay arrimaha ku saabsan Shirwayanaha Wadahadalada Itoobiya oo dhawaan lagu qaban doono dalka Itoobiya, Shirwaynahan oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen ayaa Ururada qaarkood oo ONLF kamid tahay waxay go'aansadeen inay qaadacaan Shirwaynahaas, inkastoo Guddida Shirwaynahani ay qaateen inay cid walba ku qanciyaan inay Shirwaynahan ka soo qaybgalaan.