Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Xubnaha labada aqal ee tagay Garowe oo sheegay talada dalka inay kusoo ururtay madaxtooyada Soomaaliya
Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Xildhibaano labada aqal ah oo dhawaan tagay magaalada Garowe ayaa ka dhawaajiyay in aanay wax shaqo ahi ka socon labada gole ee baarlamaanka, iyagoo sheegay in awoodda dalka ay kusoo arurtay madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo Garowe shir wadashi ah kula yeeshay xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay, in labadii sano ee ugu dambeysay labada aqal ee baarlamaanka aanay awood u lahayn inay xeerarka kasoo baxa xukuumadda dib u sixid ku sameeyaan.
Senator Farxaan Cali Xuseen oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee tagay Garowe, ayaa warbaahinta ka sheegay in golahooda uu haatan noqday mid fadhiid ah. Wuxuu tilmaamay xeerarka uu aqalka hoose meel mariyo in aqalka sare uusan waxba ka beddeli Karin.
Wuxuu sheegay talo soo jeedintii ay xildhibaanadu ku darsadeen wax ka beddelka dastuurka in aan waxba lagasoo qaadin, islamarkaasna xukuumaddu ay u meel marsatay sida ay rabtay.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee ku jira labada aqal ayaa u kala jabay labo garab oo taabacsan dowladda Federaalka iyo Puntland. Waxaana saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee Deni iyo Xasan Sheikh.