10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2024
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay heshiis muhiim ah iyo hindise Sharciyeed
 

Arbaco, October, 23, 2024 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacab ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay heshiiska la dagaalanka dambiyada abaabulan iyo Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed iyo sidoo kale hindise sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehlinaayeen guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo baratakooladiisa, waxaana ogolaatay 138 Xildhibaan, waxaana diiday laba Xildhibaan, sedax Xildhibaana waa ay ka aamustay.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ay u codeyeen Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana codeyntaas ogolaatay 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamustay laba Xildhibaan.

Kulanka Golaha Shacabka ee maanta waxaa sidoo kale lagu dhaariyay Raysal wasaare Ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda oo uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska iyo hindise sharciyeedka ay maanta u codeeyeen.