10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2024
Soomaaliya oo beesha caalamka u sheegtay inay iyadu xulanayso dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM
 

Arbaco, October, 23, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay beesha caalamka in ay Soomaaliya yeelanayso hoggaaminta howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee AUSSOM, iyadoo intaas ku dartay in ay xaq u leedahay inay xulato dalalka ciidamada ku taageeraya howlgalka cusub.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagusoo qaatay faragalinta Itoobiya ay ku hayso qaranimada Soomaaliya iyo doorka faragalinteeda uu ka qaatay sare u kaca dhaqdhaqaaqyada Alshabaab.

War-saxaafadeedka waxaa si maldahan loogu sheegay, in Itoobiya aysan qeyb ka ahaan karin howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo loo sababeeyay ku xad-gudubkeeda qaawan ee madax-bannaanida Soomaaliya, taasoo wiiqaysa kalsoonida lagama maarmaanka u ah dadaallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

“Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya ay dhawaan qaaday, gaar ahaan heshiiska sharci darrada ah ee ay la gashay gobolka waqooyi ee Soomaaliya, ayaa ka dhigan xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay lama huraan tahay in Soomaaliya ay si istiraatijiyad ah u soo xulato dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS.

Warkan kasoo baxay Soomaaliya, ayaa kusoo aaday, maalmo kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu socdaalo ku maray dalalka Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti oo ah waddamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya. Isagoo kala hadlay howlgalka cusub.