10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2024
Soomaaliya oo loo ansixiyay Mashruuc ku kacaya 100 Milyan oo doolar
 

Arbaco, October, 23, 2024 (HOL) - Guddiga sare ee sanduuqa taakulada Qaramada Midoobay u qaabilsan gacan siinta dowladaha la dagaalamaya Isbadalka Cimilada ayaa Soomaaliya u ansixiyay lacag gaareysa 100 Milyan oo doolar oo loogu talo galay ka  hortaga khataraha ka dhalan kara dhibaatooyinka ka dhasha isbadelka Cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40-aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund oo lagu ansixiyay lacagtaan.

Wasiir Khadiija ayaa si weyn u soo dhaweysay talaabada Soomaaliya loogu ansixiyay mashruucaan oo ay ku sifeysay inuu yahay mid kaalin weyn ka qaadanaya sare u qaadista sugnaanta adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee si gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya, sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah, Farxad ayay ii ahayd inaan manta goob-joog u ahaado ansxinta Mashruuci ugu horeeyey oo gaar u ah Soomaaliya ($100 Malyuun), kaas oo lagu maalgelin doono sare u qaadidda Adkaysiga Isbeddelka Cimilada ee Bulshada Soomaaliyeed ” ayey tiri Wasiir Khadija Mohamed Al-makhzoumi.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale tilmaamtay in Soomaaliya ay la timid ka go'naan wax looga qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, taasina ay qeyb ka aheyd in mashruucaan loo ansixiyo Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad-celinayaa Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund mudada kooban oo ay ku ansixiyeen mashruucan. Tan ayaa bar-bilow u ah dedaalka aan ugu jirno yaraynta nugaylka iyo khatarha isbeddelka cimilada Soomaaliya iyo sido kale sare u qaadidda sugnaanta cuntada ee dalkeenna” ayay qoraalkeeda sii raacisay Khadiija Al-Makhzuumi.

Si kastaba ha ahaate Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka safka hore uga jira kuwa saameynta taban ku reebeen isbaddelka Cimillada, waxaana sanadihii lasoo dhaafay ka dhacay abaaro iyo fatahaado is xig xigay.