10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay waqtiga uu dib u furmayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Warsaxafadadeed kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ee maalmahan hakadka ku jiray in madaxda dib isugu soo laaban doonaan 26-ka bishaan Oktobar.

Warka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda ay wali sii wadaan wadatashiyadii ku saabsanaa xoojinta iskaashiga guud ee dowladda Fedaraalka iyo dowlad gobolleedyada dalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

"Madaxda Qaranku waxay diiradda saareen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Wadatashiyadan ayaa sii socon doona, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan Oktoobar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Warsaxafadadeedkaan kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ee lagu shaaciyay mudada dib isugu soo laabanayaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shirkaan uu isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si cad uga horyimid hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo in Puntland kasii maqnaanto shirarka Golaha Wadatashiga.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo faahfaahsan:-