10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2024
Raysal Wasaare Xamse iyo James Swan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
 

Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqeynta ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Labada dhinac waxay sidoo kale wada hadleen hirgalinta doorashooyin qof iyo cod ah iyo in dowladda Soomaaliya ay hesho taageero ku aadan xasillinta deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab iyo arrimaha bini’aadanimada.

"Kulankan ayaa si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulankaan maanta dhexmaray Raysal wasaare Xamse iyo James Swan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor uu James Swan safar ku tagay magaalada Kismaayo oo uu kula soo kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib markii uu diiday in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah iyo Puntland ay kasii maqnaato shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.