10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Dekedda Muqdisho oo laga mamnuucay in lagasoo dajiyo bacaha fudud
 

Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dekedda magaalada Muqdisho lagasoo dajiyo ama laga dhoofiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Go’aankaan ayaa daba socda fulinta awaamiirtii kasoo baxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee xukuumadda soomaaliya, taasoo kowdii bishaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa halis weyn ku tilmaamtay bacaha, iyadoo sheegtay in sharciga lala tiigsandoono qofkii lagu helo isagoo ka ganacsanaya ama isticmaalaya bacaha, balse lama oga in go’aankaan uu dhaqan gali doono, iyadoo la ogyahay in dowladda Federaalka aysan fulin go'aano sidaas oo kale lagu mamnuucay bacaha.

Maamulka Puntland ayaase kamid ah meelaha laga mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda, inkastoo weli degaanada maamulkaas laga isticmaalo bacda, iyadoo lagasoo dajiyo dekeda magaalada Boosaaso.