10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Hay'adda Duulista oo diyaaradaha Droneska ka mamnuucday agagaarka garoonka Aadan Cadde
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka howlgalaan masaafo dhan 5-mayl-badeed ee garoonka Aadan Cabdulle.

Go’aankaan ayaa qeexaya in aan la ogolayn hawlgallada Nidaamyada Hawada ee aan duuliyaha lahayn ee gudaha aagga xaddidan illaa ay si cad u fasaxdo hay’adda Duulista Hawada.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay xoojineyso amniga agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hay’adda Duuliista waxay sheegtay in ay muhiim tahay in loo hoggaansamo shuruucdan si loo sugo badqabka duulimaadyada ka howlgala iyo kuwa ka baxa garoonka caalamiga ah ee Aden Cabdulle.

Hay'adda ayaa xusay in dhaq dhaqaaq kasta oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhaca deegaanka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.