10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baydhabo
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga dhex yaqiinay Baydhabo.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsatay dableydii geysatay dilka nabadoonka.

Laamaha amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxaha geystay dilka Nabadoon Yacquub ka waday xaafadaha magaalada Baydhabo Xalay iyo saakay.

Howlgaladaas ayaa la sheegay in ciidamadu kusoo qabqabteen dad ay ku tuhmayaan iney ka dambeeyaan dilka Xalay loogu geystay magaalada Baydhabo Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji.

Magaalada Baydhabo waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee noocaan oo kale ah iyo weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay ka geystaan gudaha magaaladaas kooxda Al-shabaab.