10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Xildhibaan Cabdullaahi Black oo si kulul uga hadlay qorshe Koonfur Galbeed ka wado degmada Xudur
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmad Black oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qorshe uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha degmada Xudur oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho.

Xildhibaan Black ayaa uga digay maamulka Koonfur Galbeed ineysan qalalaase ka abuurin degmada Xudur ee gobolka Bakool oo uu sheegay in halkaasi abaabul ka wadaan Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.

“Beryahaan dambe waxaa bilaabatay guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xilka laga qaadayaa warar noocaas ah ayaa nasoo gaaraya, waana nin ku yimid doorasho oo si aqlabiyad leh loo doortay, waxaa Arbacadii tegay magaalada laba wasiir, waana wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga marka farriimaha nasoo gaarayo ma ah kuwa u adeegayo nabadda iyo wada noolaashaha” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Black.

Wuxuu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in degmada Xudur ee gobolka Bakool ay ka caaganeyd waayahii dambe xaaladaha ka jiray degmooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin dilalka iyo dagaalada sokeeye.

 “Maamulka Koonfur Galbeed hadda dhamaan waa xil gaarsiiyeyaal laga soo bilaabo madaxweynaha iyo golihiisa waisirada, ma haystan sharciyad ay wax ku badali karaan, waa dayuusnimo in indhaha laga eegto waxa Xudur ka socdo oo ay wado Koonfur Galbeed" ayuu yiri Xildhibaan Black.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka ku nool dambe Xudur iney ka fogaadaan qorshaha ay wado koonfur Galbeed oo uu xusay inuu yahay mid abuuri kara dhibaatooyin ka dhaci kara degmadaas.