10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Aqalka sare oo isku khilaafay in xubinimada laga qaado raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Kulanka aqalka sare ayaa laga sheegay in Senator Saalax Jaamac uu maqnaa 4 kalfadhi oo xiriir ah, isagoo aan soo gudbin wax cudur daar ah, sidaas daraadeedna uu lumiyay xubinimadiisii aqalka sare.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Suleymaan Iidle, oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax, kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh inuu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka.

Qaar kamid ah Senotarada aqalka sare ayaa ka horyimid arrintaan, iyagoo sheegay in raysal wasaare ku xigeenku shaqo qaran uu ku maqnaa muddadaas.

Senator Cusmaan Obokar Dubbe ayaa kamid ah Senatorada ka horyimid, isagoo ku eedeeyay guddoomiyaha aqalka sare inuu adeegsanayo awood sharci darro ah oo uu ku doonayo inuu xubinimada uga xayuubiyo senator Saalax Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha aqalka sare ayaa dib u dhigay in Ibraahim Suleymaan Iiidle loo dhaariyo xubinimada aqalka sare, kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado  Saalax Jaamac.