10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo kooxda Al-shabaab Xalay ku qaaday Saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin duuleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Weerarka ayaa lasoo warinaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo Xalay hurdada u diiday dadka ku nool degmadaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay dagaalka kadib iney sameeyeen duqeymo xoogan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen duqeymaha oo la tilmaamay iney la eegteen ciidanka Itoobiya goobo ay tuhmayeen in weerarka kasoo qaadeen Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya saakay howlgalo xoogan ka wadaan deegaanada dhaca duuleedka degmada Waajid ee gobolja Bakool.

Kooxda Al-Shabaab oo war kooban kasoo saartay weerarka ay ku qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Waajid, waxay sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay askar Itoobiyaan ah oo aysan tiradooda sheegin, islamarkaana sidoo kalena ay soo furateen hub iyo saanad ciidan.