10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2024
Raysal wasaare Xamse oo xariga ka jaray waddooyin laami ah oo lagu dhisay canshuurta shacabka
 

Jimco, October, 11, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis.

Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa dhagax-dhigay waddo isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha.

Munaasabadda xariga looga jarayay waddooyinkan  ayaa waxaa ka qeyb galay duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa sheegay in waddooyinkan lagu dhisay canshuuraha laga qaado dadka degan G/Banaadir, kuwaasi oo qeyb ka ah hindisaha “Dalkaada ku dhis hal dollar” oo ah qorshaha horumarinta Muqdisho.

Maamulka degmada iyo shacabka ayuu kula dar daarmay in ay ilaaliyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee degmada, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si wax looga qabto khataraha ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.