10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2024
Maamulka gobolka Hiiraan oo cambaareeyay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baladweyne

Jimco, October, 11, 2024 (HOL) - Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeele ayaa cambaareeyay xasilooni darrada ka jirta magaalada Baladweyne, isagoo ku eedeeyay kooxo caqabad ku ah dowladnimada oo xambsaarsan aragti guracan.

Maamulka ayaa war saxaaafdeed uu soo saaray ku sheegay, in iska hor imaad dhex maray kooxahan ay ka dhalatay dhimashada qof shacab ah iyo qalqal gelinta bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ilaalinayaa sareynta sharciga iyo Nabad-galyada. Cidna laga aqbali maayo inay qalqal geliyaan amniga guud ee shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo falalka nuucaan ah ay qeyb ka qaadan karaan Kooxaha khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka.

Maamulku waxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdada laga baaqsan karay, waxuuna caddeeyay inuu qaadi doona tilaabooyin si loo badbaadiyo  sarrayanta sharciga iyo ilaalinta amniga shacabka.

Maamulku wuxuu sheegay masuuliyadda falalka amniga liddiga ku ah inay qaadanayaan ciddii sababta u ahayd, wuxuuna intaas kusii daray in aan marnaba la aqbali doonin in kooxo qaswadayaal ah ay sameeyaan falal lid ku ah nabad-galyada shacabka.

Warkan ayaa kusoo aaday, iyadoo saakay ay magaalada Baladweyne ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Xiisadda ka dhalatay dagaalkan ayaa weli ka taagan gudaha magaalada Baladweyne.