10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2024
Shir sadax geesood ah oo goordhaw Asmara uga furmay dalalka Eretariya, Masar iyo Soomaaliya
 

Khamiis, October, 10, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eretariya ka furmay shir sadax geesood ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha dalalka Eretariya, Masar iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa toos u furmay kadib markii uu saacado kooban ka hor uu gaaray magaalada Asmara madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo halkaasi uu horay u joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay galinkii dambe gaaray halkaas.

Shirka saddex geesoodka ah ee hadda u socda madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa looga hadlaya iskaashiga gobolka iyo xasiloonida marin biyoodka Badda Cas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii Itoobiya bilowgii sanadkaan la gashay Somaliland ee ku aadana iney hesho Itoobiya qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya, taas badalkeedna Somaliland ay u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.

Wararka lagu kalsoonaan karo oo la xariira shirkaan u furmay madaxda dalalka Eretariya, Masar iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in sadaxda madaxweyne iney dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin.

Wasiiradda arrimaha Dibadda dalalkaan ayaa sidoo kale shir gaar ah u socda, waxaana la filaya inaan ganaanudka shirarka sadax geesoodka ah ee ka socda Asmara in laga soo saaro War murtiyeed.

Lasoco wixii kusoo kordha Wararkan.