10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2024
Madaxweynayaasha dalalka Eretariya, Masar iyo Soomaaliya oo kulan sadax geesood ah ku yeelanaya Asmara
 

Khamiis, October, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ku wajahan maanta oo khamiis ah magaalada Asmara ee caasimadda Eretariya, si uu uga qayb galo shir saddex geesood ah oo uu halkaas kula yeelan doono madaxweynayaasha Eretariya iyo Soomaaliya Isaias Afwerki iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadahadalada sadax geesoodka ah ee Asmara ku dhexmari doona madaxda dalalka Eretariya, Masar iyo Soomaaliya ayaa ah la sheegay iney yihiin kuwa lagu xoojinaayo iskaashiga dhinaca amaanka iyo caqabadaha ay wadaagaan dalalka ku yaal Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Wararka waxay intaas ku darayaan in sidoo kale sadaxda madaxweyne ay dhisi doonaan isbaheysi sadax geesood ah oo ka hortagaya saamaynta kusii kordheysa gobolka ee ka dhalatay heshiiskii muranka dhaliyay ee (MoU) ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya iney hesho qeyb ka mid biyaha Soomaaliya, taas bedelkeena Itoobiya  Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.

Dowladda Soomaaliya oo heshiiskaas ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa taageero ka heshay dalal badan oo Caalamka ah oo ay ka mid yihiin Masar iyo Eretariya.

Si kastaba ha ahaate dowladda Eretariya ayaa door muhiim ah ka ciyaartay tababarka ciidamada Soomaaliya tan iyo 2019, iyadoo ciidamadii Eretariya lagu soo tababaray ay yihiin laf dhabarta ololaha Soomaaliya ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in howlgalada milatari ee ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamadaas iney ku dileen in ka badan 1,650 dagaalyahan muddo laba bilood gudahood ah.

Dhinaca kale dowladda Masar ayaa dhankeeda kordhisay taageeradeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo geysay labo shixnad oo hub ah oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, waxaana talabaadaani ay Masar kala kulantay dhaleeceyn kulul oo ay u jeedisay Itoobiya oo u aragtay iskaashiga milatari ee Masar iyo Soomaaliya inuu khatar ku yahay danaha gobolka.

Shirkan saddex geesoodka ah wuxuu tilmaamayaa isbeddel muhiim ah oo ku yimid qaabka juquraafiyeed ee siyaasadda Geeska Afrika, Itoobiya oo muddo dheer ahayd awood xooggan oo gobolka ka jirta, hadda waxay wajahayaan iska horimaadyo kordhaya oo ka imanaya derisyadeeda.

Isbahaysiga soo ifbaxaya ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya wuxuu si weyn go’doon uga dhigay Itoobiya, gaar ahaan iyadoo la tacaalaysa khilaafaadka ka jira Biyo xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) iyo yoolkeeda ah inay yeelato ciidan badeed oo ka howlgala Somaliland.

Shirkaan Asmara ku yeelaan doonaan Hoggaamiyeyaasha Eretariya, Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid si gaar ah indhaha loogu wada haayo go'aanada kasoo bixi doona, waxaana xusid mudan in shirkaan uu wadna qabad ku yahay dowladda Itoobiya.