Hiiraan Online
11/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Japan oo Soomaaliya ka cafisay 100 milyan oo dollar oo deyn ah
Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Japan ayaa Soomaaliya ka cafisay 100 milyan oo dollar oo deyn ah. Dayn cafintan ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Nairobi iyadoo heshiis rasmi ah oo deymo cafis ah ay kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Japan u fadhiya Kenya Ogihara Hiroshi.
Heshiiska deyn cafinta waa qeyb ka mid ah hindise ay hormuud ka yihiin waddamada la isku yiraahdo Paris Club, oo ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya, kuwaaas oo bishii March 2024 ballan qaaday in ay deymaha ka cafinayaan Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyada Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in go’aanka Japan ay kaga cafineyso deymaha ay ku leedahay Soomaaliya uu xoojinayo socdaalka dib u habeynta Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto madax banaanida maaliyadeed.
Danjiraha Japan ee Kenya Ogihara ayaa dhankiisa sheegay in Japan ay ka go’an tahay inay taageerto hadafyada horumarineed ee Soomaaliya. Wuxuu ballan qaaday iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Japan iyo Soomaaliya si kor loogu qaado horumar waara iyo kobcinta adkeysiga dhaqaalaha gobolka.