12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Maraykanka oo Soomaaliya ka cafiyay lacag ka badan hal bilyan oo dollar oo dayn ah
 

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafiyay 1.14 bilyan oo dollar oo deyn ah, kaddib heshiis laba geesood ah oo ay wada gaareen labada dal, sida uu sheegay safiirka Mareykanka ee Muqdisho, Richard Riley.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ka sheegay xafladda saxiixa heshiiska labada dhinac in Soomaaliya looga cafiyay 1.14 bilyan oo dollar oo dayn ah oo  uu ku lahaa Mareykanka.

Tani waxay ahayd, ayuu yidhi, qaybta kaliya ee ugu weyn ee wadarta US$4.5 bilyan ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya, kuwaas oo looga cafiyey heshiis ay la galeen Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka bishii Disembar.

Cafinta deymaha ayaa waxaa dheer 1.2 bilyan oo dollar oo isugu jira horumarinta, dhaqaalaha, amniga, iyo gargaarka bini'aadantinimo, taasoo uu Mareykanku ku taageerayo Soomaaliya.

Ku dhawaaqista ayaa timid markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda qaranka oo dhan US$1.36 bilyan sanadka 2025-ka.

Heshiiskaan ayaa daba socda, kaddib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

"Tani waxay daba socotaa geeddi-socodkii lagu guuleystay ee deyn cafinta iyo heshiiskii Paris Club ee bishii Maarso ee sanadkan, kaasoo taageeray in deynta laga cafiyo Soomaaliya. Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka iyo dadkeeda taageerada hagar la'aanta ah ee ay siiyeen dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Biixi ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay saaxiibka joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed.