12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsan maxkamadda ciidamada Puntland oo dib xoriyaddoodii u helay
 

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Waxaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Garowe lagasii daayay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ka tirsanaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntand.

Garsoorayaashaan iyo xeer ilaaliyaashaan ayaa muddo 5 bilood ah u xirnaa eedaymo la xiriiray inay sii daayeen dad u xirnaa dambiyo burcad badeednimo iyo Shabaabnimo.

Madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo saraakiishaan, kuwaas oo horey loogu xukumay xabsiyo sanado ah.

Sii dayntooda waxay kusoo beegantay xilli shaqo joojin lagu sameeyay masuuliyiintii maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland, kuwaas oo lagusoo eedeeyay inay sameeyeen xukunno caddaalad darro ah.

Deni ayaa lagu wadaa in uu kala diro xubnaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee hadda jooga, soona magacaabo xubno cusub.

Garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha lasii daayay ayaa lagu kala magacaabaa;-

Gaashaanle sare Aadan Cali Maxamuud.

Gaashaanle dhexe Cabdirqxmaan Jaamac Warsame.

Gaashaanle dhexde kaydiid Cabdicasiis Axme.

Gaashaanle Cabdiweli Maxamuud maxamed.

Gaashaanle Sahal Cabdi Cartan.