11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2024
Wasiirka Gaashaandhigga: “Dadka waxaan u sheegaynaa inay ka fogaadaan degaanada Shabaab. Wax aan la fileyn ayaa dhawaan ku dhici doona
 

Axad, November, 3, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa digniin deg deg ah u dirtay shacabka ku nool degaanda ay maamulaan Al-shabaab, iyadoo ugu baaqday inay isaga guuraan ka hor weerarrada ay ciidamadu qorsheynayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay sii adkaaneyso in la kala saaro dadka rayidka ah iyo Al-Shabaab, gaar ahaan marka ay Shabaabku isku dhex qarinayaan dadka deegaanka.

“Dadka waxaan u sheegaynaa inay ka fogaadaan Al-shabaab meel kasta oo ay joogaan. Wax aan la fileyn ayaa dhawaan ku dhici doona Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka. "Haddii aad ku nooshahay meel u dhow Shabaab, ka fogow. Ma qarineyno xaqiiqda ah in ciidamadeena ay diyaar u yihiin in ay weeraraan."

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay soo iibsatay hub culus, isla markaana ay u diyaarsan tahay hawlgallo ballaaran oo ay ka mid yihiin duqaymo iyo weerarro dhulka ah oo lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay naftooda iyo xoolahoodaba u raraan meelo nabdoon. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan qaadi doonin khasaaraha dadka kasoo gaara weerrarada lagu qaado dhulka Alshabaab.