12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Jubaland oo uga digtay Diyaaradaha UN ka in dano siyaasadeed loo adeegsado
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - War kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa digniin culus loogu jeediyay dhammaan Hay'addaha Qamamada Midoobeey ee Soomaaliya ka howlgala in diyaaradaha ay maamulaan loo adeegsado dano gaar ah maadama Jubaland ay ku jirto xili doorasho sida ku cad War kasoo baxay Wasaaradda amniga Jubaland.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "Dawladda Jubaland waxay ku wargelinaysaa dhammaan hay'adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha Dawladda Jubaland. Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay ku adkeyneysaa in diyaaradaha UN-ka aan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka".

Sidoo kale, Wasaaradda amniga ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ku wargelisay hay'adahaasi eedo kulul oo ay ujeedisay Xukuumadda oo ay sheegtay in Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qaadayo tallaabooyin ay ku tilmaamtay mid sharci-darro ah oo lagu doonayo in qorshe siyaasadeed oo guracan lagu fuliyo adeegsiga diyaaradaha UN iyo ATMIS.

War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda amniga Jubaland ayaa sidoo kale lagu xusay in Jubaland ay si adag u cambaareyneyso isku dayo ay sheegtay inuu sharci-darro yahay oo ay waddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo abuureysa qalqal amni oo ka dhan ah deegaanada Jubaland, wasaaradda waxa ay ku tilmaamtay Ficilladan kuwo ku saleysan rabitaan shaqsiyeed oo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, kaas oo ay wadaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DFS.

Ugu dambeeyn Wasaaradda Amniga Gudaha Dawlad Goboleedka Jubaland, ayaa ugu baaqday dhammaan hay'adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga dalka ee ku dhisan nidaamka Federaalka iyo labada heer dowladeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wada shaqeynta gudaha Jubaland.