12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Wasiir Fartaag "Waxaan cambaareynayaa falkii argagixiso ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland uu ku qaaday Hotel AGAN"
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay dagaal maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid uu ka dambeeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.

“Waxaan cambaareynayaa falkii argagixiso ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu ku qaaday Hotel AGAN oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo ilaalada siyaasiyiin gaar ahaan Senatar Ilyaas Baddel Gaboose, waxaan u tacsiyeynaya dhamaan dadka ku dhintay weerarka arxan darada ahaa, kuwa dhaawaca waxaa leeyahay allah u booga dhayo" ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Jubbaland inuu ka shaqeynayo dagaal sokeeye oo dhexmara dadka walaalaha ah ee wada dega Jubbaland, wuxuuna digniin adag u diray dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee ku sugan Kismaayo.

"Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed waxaan uga digaya wax walba oo keeni kara in Kismaayo ka dhacaan dagaalo sokeeye oo uu halkaas ka wado Axmed Madoobe, weerarkii guracna ee Axmed Madoobe saakay kula jarmaaday Hotel AGAN waxa uu muujinaya in Axmed Madoobe uu ka shaqeynayo dhibaato dagaal sokeeye ah" ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay magaalada Kismaayo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ilaalo ay wateen xubno katirsan Musharrixiinta isbaddel doonka ah, gaar ahaan kuwa musharax madaxweyne Senatar Ilyaas Gaboose.