12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2024
Soomaalida sharci la’aanta ku jooga Jarmalka oo wajahaya cabsi xooggan
 

Jimco, October, 22, 2024 (HOL) - Waxaa isa soo taraya cabsida dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka ee sharci la’aanta ah, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Jarmalku tarxiilayo Soomaalida sharci la'aanta ku jooga dalkaas.

Walaaca ayaa sii xooggaystay markii 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay soo baxeen war dhiilo ah oo sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed ah oo diidmo ka heystay Germany gurigiisa laga qaaday, lana tarxiilay, isagoo lasii marsiiyay dalka Turkiga.

Weli si dhab ah looma xaqiijin in muwaadinka laga tarxiilay Germany la gaarsiiyay Soomaaliya.

Axmed Kediye oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sharciga ku haysta dalka Germany ayaa qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook ku sheegay, inay aad uga xunyihiin in madaxweyne Xasan Sheikh uu albaab xun ku furay dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha iyo nabadda u raadsaday qurbaha.

"Waxaan ka soo baxsannay amni darro iyo shaqo la'aan, dib noogu celinta Soomaaliya waxay la mid tahay inaan wajahno mustaqbal aan rajo lahayn," ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Jarmalka ayaa dadaal ugu jira xakamaynta qulqulka qaxootiga, iyadoo ay jiraan kumanaan Soomaali ah oo rajeynayay inay nolol cusub ka abuuraan Jarmalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan beenisay in madaxweyne Xasan Sheikh uu heshiis ku galay in Soomaalida dalkooda dib loogusoo celiyo. Dowladdu waxay sheegtay in aanu jirin soo celin khasab ah.