Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
Jubaland oo mucaaradka ugu baaqday in ay si nabad ah uga qeyb galaan Doorashada Madaxtinimo
Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - Wasiirka Qorshaynta Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland ugu baaqay in ay si nabad ah uga qayb galaan nidaamka Doorashada Jubaland, waxaana hadalka Wasiirka uu ka dambeeyay kadib markii ay musharixiin Mucaarad ah oo hogaanka Jubaland u hanqal taagaysa ay walaac ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo nidaamka doorasho ee Jubalanad.
"Anigoo qadarinaya cid walba oo Xukumadeenna ka aragti duwan, dooneysana kursiga Madaxtinimo, waxaan ku boorinayaa in ay uga qayb galaan nidaamka Doorashada iyagoo ilaalinayaa Nabad-galyada iyo Xasiloonida Bulshada reer Jubaland" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.
Magaalada Kismaayo waxaa kusugan musharixiin mucaarad ah oo iyagu dhaliilsan nidaamka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe, sidoo kale maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay walaac ka muujinayeen inaan lagu kalsoonaan karin Guddiga doorashada ee Axmed Madoobe magacaabay.
Midowga Musharaxiinta Jubaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa horey u soo saaray Liiska Guddiga Doorashooyinka Jubaland iyagoo uga jawaabayay Guddiga Doorashada uu Axmed Madoobe magacaabay.
Sida ku cad jadwalka doorashada, maalinta Berrito oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubaland iyadoo maanta la qaban doono araajiida musharixiinta u taagan xilka Gudoonka.