Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro guusha uu kasoo hoyay doorashadii guud ee ka dhacday Somaliland, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay Cirro inuu ka shaqeeyo arrimaha dib usoo nooleeynta wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale hambalyo u diray ku xigeenka Cirro Maxamed Aw-Cali Cabdi iyo xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.
“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxman Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.