12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2024
Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo Hargaysa Lagu Aasay
 

Isniin, October, 18, 2024 (HOL) - Waxa maanta aas Hargaysa loogu sameeyay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo Jimcihii Hargaysa ku geeriyooday, isaga oo 86 sanno jir ah.

Aaska ayaa waxa ka qaybgalay badiba madaxda Somaliland, oo ay ka midyihiin Madaxweyne Biixi, musharixiinta xisbiyada iyo ururada qaarkood, madaxda dhaqanka, ganacsato iyo boqollaal qof oo shacab ah.

Dhinaca kale, waxa aaska kasoo qaybgalay Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya Aadan Faarax, Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar iyo saraakiil kale oo Itoobiyaan ah.

Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay aaska ayaa Madaxweyne Siilaayo ku sifeeyay in uu ahaa shakhsi halgan badan isoo maray sidii ay Somaliland waddan madaxbannaan u noqon lahayd, waxa kale oo ay sheegeen in uu ahaa hoggaamiye isku ururin jiray shacabka Somaliland.

Siilaanyo ayaa noqday Madaxweynaha Somaliland sannadkii 2010 markaasi oo uu doorasho kaga guulaystay madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Riyaale Kaahin, isaga oo xilka hayay ilaa 2017.

Silaanyo waxa lagu xasuustaa in uu aqbalay natiijadii doorashadii sannadkii 2003 markaasi oo uu Daahir Riyaale kaga guulaystay 82 cod oo kali ah.