12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2024
Xasan Cali Kheyre oo ku baaqay madal Qaran oo looga heshiiyo Doorashooyinka dalka
 

Axad, October, 17, 2024 (HOL) - Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay siyaasadda xiligaan ay dhex muquuranayso Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira Doorashooyinka, waxaana uu shaaca ka qaaday in Baarlamaanka ay si sharcidarro ah u meelmariyeen Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uu adeegsanayo Guddoonka Baarlamaanka. Tallaabadaas uu ku micneeyay mid kala dhantaalaysaa midnimadii ummadda, waxayna dalka u horseedaysaa khilaaf hor leh iyo xasillooni la’aan siyaasadeed ayuu ku yiri war saxaafadeed uu soo saaray.

"Soomaaliya horay ugama shaqeyn, mana ka shaqeyn doono guddi iyo shuruuc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay natiijada iyo cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah" ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeeyn waxa uu baaq ujeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoonka Baarlamaanka isagoo ugu baaqay in aaney iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeedna aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba laga aqbali doonin, degdegna loo furo madal qaran oo looga heshiiyo doorashooyinka dalka, taas oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Jubbaland, iyo saamileyda kale ee siyaasadda, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samatabixiyo jahawareerka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ah shalay ku yeeshay Muqdisho ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka oo buuq badan uu ka taagan yahay.