12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2024
Itoobiya oo Doorashooyinkii Somaliland ku Tilmaantay Qaar Xor iyo Xalaal
 

Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa amaantay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland.

Qoraal ay baahisay Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, ayaa lagu amaanay qaabkii ay u dheceen doorashooyinkii 13 November,  waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen qaar xor iyo xalaal ah.

"Wasaarada Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Federaalka Dimuquraadiga Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga ahayd, Itoobiya waxay Koomiishanka Qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysa doorashada xorta iyo xalaasha ah" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qabashada doorashooyinkani ay ka turjumayaan qaangaadhnimada dowladnimada Somaliland iyo dimuquraadiyadeeda.

"Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaadhnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed" ayay warbixinta wasaarada arrimaha dibadu sii raacisay.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada kormeerayay ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si cadaalad ah oo hufan, isla markaana loo bahanyahay in natiijada la aqbalo.

Wali waxa socota tirinta codadka ay shacabku dhiibteen waxaana natiijada guud lagu dhawaaqi doonaa maalinta Khamiista ee 21 November.