Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay Doorashada beri ka dhaceysa Somaliland
Talaado, November, 12, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay kaga hadashay doorashooyinka lagu wado in berito ay ka bilaawdaan deegaanada Somaliland.
Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa lagu bogaadiyay doorka wanaagsan oo ay u soo qabsoomeen doorashooyinkii ka horeeyay tan berito bilaaban doonta.
Waxaa sidoo kale Warsaxafeedka lagu faray guddiga doorashooyinka Somaliland iney hubiyaan in gacan amaan ah ay ku jirto doorashashada, islamarkaana ay noqdaan kuwa dhexdhexaada oo daacad ah.
“Doorashooyinka maamulka Somaliland waxay ahmiyad gooni ah u leedahay dowlad wanaagga iyo dowlad dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Warxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay dadka reer Somaliland iney ilaalsadaan xasiloonida, kuna dadaalaan in nabad ku dhacdo doorashada berito oo Arbaco ah si rasmi ah uga bilaaban doonto Somaliland.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo faahfaahsan:-