12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Galgaduud lagu dilay 23 xubnood oo katirsan kooxda Alshabaab
 

Talaado, November, 12, 2024 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan ay ku dileen ilaa 23 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, halka tiro kale oo ka tirsan kooxdan la dhaawacay.

Howlgalkan ayaa xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dharaarweyn oo hoostaga deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Warbixin kooban oo ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu daba socday xogo sirdoon oo joogto ah oo lagu ogaanayay dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee kooxda Alshabaab.

Intii uu socday dagaalka, ciidanka NISA ayaa la sheegay inay gubeen saddex gaari oo ay Shabaabku wateen, midkoodna uu ahaa nooca Cabdi Bile.

NISA waxay sheegtay gaadiidka ay gubeen in ay ku xirnaayeen hub iyo rasaas, taasoo ay kooxdu ku qorsheynaysay inay ku qaado weerarro.

NISA waxay sheegay in ay ka go'an tahay in ay meel kasta ku beegsadaan kooxda Alshabaab, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadda iyo amniga dalka.