11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Wadamada Islaamka iyo Carabta
 

Isniin, November, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka degay magaalada Riyadh ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu dalkaasi kaga qeyb galo Shirka wadamada Islaamka iyo Carabta oo diirada lagu saari doono wax kaqabashada dhibaatada ka taagan Bariga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona fadhiga maanta waxaana uu la wadaagi doonaa madaxda ka qeyb galaya in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeedi ay aad uga xun yihiin dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo joojin lahaa gumaadka lagu haayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Sacuudiga inuu si gaar gaar ah kulamo ula yeelan doono madaxda ku shirsan wadankaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa wadamada islaamka iyo kuwa Carabta shirkaan iskugu yeertay si looga arinsado xiisada ka taagan bariga dhexe iyo sidii xal waara loogu heli lahaa soo afjarida colaadaha ka jira mandiqada.